Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Waa casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'dinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh. Shuceyb

Thursday - September 16, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Maanta Mawduuca Shiikha Ka Hadlaayo Waxuu Ku Saabsanyahay: Aadaabta Waqtiga Waxa la Cunaayo Ee Ku Soo Dhawaada                                 
 
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, Waa Allah mahadii in Bisha Barakeysan ee Ramadan nooga hartay wax ka yar Usbuuc, aniga oo ka fa'ideysanaya fursadan waxaan u dirayaa Hambalyo Diiran dhamaan walaalaha daalacda bogan iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, aniga oo Allah ka baryaya inuu u naxariisto adoomadiisa gaar ahaan kuwa ku dhibateysan Soomaaliya, waxaan kaloo Allah ka baryayaa inuu caafimaad iyo nabad nagu gaarsiiyo Ramadan, Allow adaa naxariis badan Fadliga bisha Ramadan ay leedahay dalkeena kusoo celi Nabad iyo Xasilooni, Dagaal waan ka daalnay ee nabad noo dhali . Allow dhiiga xaqdarada ku daadanaya naga jooji adigaa awooda wixii aad doonto.

Baraarujinta Jimcahan waxaan jecleystay inaan kusoo qaato Aadaabta Islaamka marka wax la cunayo, madaama ay tahay Bisha dadka islaamka ah ay iska af qabtaan Cunada inta ay sooman yihiin, In wax la quuto oo caloosha wax lagu rido waxey ka mid tahay dhowrka shey ee la'aantood noloshu aysan suurto geleyn, hase yeeshee waxa su'aal ah, farqi ma ku jiraa habka dadku wax u cunaan ama wax u quutaan, Jawaabtu waa haa. Umada Allah ee ku kala nool dunida korkeeda aad iyo aad bey ugu kala duwan yihii waxa ay cunaan iyo qaabka ay wax u cunaan, ulajeedada qoralkan wuxuu ku kooban yahay inaan wax iska xusuusino sida laga rabo qofka muslimka ah inuu wax u cuno iyo waxa uu cunayo, Allah iyo Rasuulka suuban waxey noo tilmaameen wixii xalaal ah ee uu cuni karo qofka muslimka ku abtirsada, inkastoo dad badan oo muslim sheegta maanta dunida aan ku noolnahay ay cunaan ama cabaan wax badan oo xaaraan ah oo marar badan dhib weyn u geysta naftooda iyo jirkooda, qofkana waxa loo baahan yahay inuu ka digtoonaado waxa uu gelinayo afkiisa oo calooshiisa ku ridayo, waxa dhici karta wax badan oo loo heysto ineysan wax kuu dhimeyn, waxa dhici karta in naftaada ay halis geshaan, caafimaad ahaan waxa jira dawooyin ka xariman dad qaarkood oo ay ka mid yihiin kuwa ay ku jirto Sulphaha, mida loo yaqaan Penicillinka, ama kuwa loo isticmaalo Cudurka Kaneecada (Anti-malarials), sidoo kale waxa jira dad qaba xanuuno qaarkood oo weliba u badan dadka midabkoodu madow yahay ama kasoo jeeda qaarada Afrika iney halis u yihiin marka ay qaataan dawo ka mid ah kuwa aan tilmaamay ama kuwo faraban oo daahsan. Cuduro badan oo ay ka mid yihiin Dhiig-Karka, Sokoroga, kuwa Wadnaha iyo Xididada dhiiga, Lafa Xanuunka iyo Lafahurgunka, waxey gidigood calaaqaad la leeyihiin miisaanka jirka oo xad dhaafa ama nooca cunad qofku quuto inta uu korayo, sidoo kale cudurada ku dhaca caruurta guud ahaan oo loo qeybsho saddex nooc (Kwashiorkor),(Marasmus), iyo (Vitamin deficiency) oo aan laba nooc qura masal usoo qaadanayo sida Rickets (VIT. D deficiency) iyo Scurvy (Vitamin C deficiency), sadexda nooc midka hore (Kwashiorkor) waxa lamoodaa ilmaha iney Buuran yihiin ama hilb badan leeyihiin, kan labaad (Marasmus) waxa ka muuqda ilmaha Macaluul daran, midka sadexaad (Vit. D def.) ilmaha lagu arko lugaha oo gota markey ka xoog badato miisaanka jirkiisa, lafaha oo aad u jilicsan, marka maadada loo yaqaan Kalshumka (Ca) ku yaraato, iyo nooca ugu dambeeya (vit. C def.) oo lagu arko ilmaha dhiig bax ku yimaada Lafaha iyo Ciridka ama meelo kale oo jirka ka mid ah, dhamaan cuduradaa oo ka yimaada nafaqa-darida waxey toos ugu xiran yihiin waxey cunaan iyo habka ay u cunaan caruurta intay ay yaryihiin.
Waxa haboon inaan is-xusuusino in Suubanaha NNK ha ahaato uu yiri "Waxaan nahay qoon aan wax cunin inaan Gaajoono Mooyee, hadii aan Quudanana ma cuno intii aan ka dheregno, caloosha ma buuxino", sidoo kale wuxuu noo tilmaamay oo uu yiri: "Hadaad wax cunto u qeybi calooshaada waxa aad ku rideyso sadex qeybood, mida hore wixii Adke ah oo aad cunto, mida labaad wixii Dareere ah oo aad Cabto, mida sadexaadna u daa si aad uga neefsato", Allahu Akbar, labadan xadiis ee uu noo sheegay Suubanaha NNK ha ahaato waxey saldhig u yihiin Caafimaad oo dhan hadaad dooneyso, sidaa darteed waxa wanaagsan in qofka muslimka ah ku dhaqmo oo ilaaliyo si uu u daryeelo caafimaadkiisa iyo jirkiisa, maxaa yeelay hadii lagu daydo dhaqanada dadka aan muslimka aheyn, oo wax loo cuno sidooda adigoon gaajo ku heyn waxa suurowda in jirkaaga kaa xoog badsho misaankaagana xad-dhaaf noqdo markaa ka dibna aad halis u noqoto Cudurada aan kor ku tilmaamay iyo kuwo kaloo daahsan.
Dunida maanta aan ku nool nahay hadaad u fiirsato waxa yaraaday dadka muslimiinta ah ee ku dadaala iney ku dhaqmaan caadada wanaagsan ee Umada Islaamka ah ay leedahay, ha noqoto dhanka Cunada la cuno, lebiska la qaato ama akhlaaqda lagu dhaqmo, midaa waxey keentay in Allah laga fogaaday oo caradiisa ay waajib noqoto, waxa soo shaac baxay Cuduro aan horay loo aqoon oo maanta ku dhalisay umadaha aduunka oo dhan Cabsi iyo walbahaar, dawada iyo jidka lagaga nabad gelayo ay tahay in Allah loo Laabto isagaa balan qaaday in qofkii dariiqiisa qaada oo ku dhaqma marna uusan arkeyn Cabsi, Welwel ama dhib guudahaan, midkii ka leexda oo ka jeesta dariiqiisa, inuu ku jirabayo nolol adag oo ciriiri ah iyo walbahaar aan xad laheyn.
Allah waxaan ka baryayaa in dhamaanteen iyo inta Ehel nala ah ama guud ahaan umada islaamka ah noo fududeeyo Cibaadadiisa, Allah cabsidiisa qalbigeena ku beero iyo xurmada Amarkiisa.
Allow u naxariiso waalidkeen inta dhankaaga u badatay, intooda weli dunida jooga caafimaad iyo nabad ku maneyso, innagana noo fududee sidaan baari ugu noqon lahey, ugu adeegi laheyn, ama waajibka dhankooda naga saarana aan u gudan laheyn sida ugu wanaagsan.

Hadii aan asiibay waa Allah fadligii oo qura, hadii aan gefay waa sheydaanka camalkii iyo nafteyda oo qura iyo Al Amin, Abu Yusuf oo markale idin leh salaama iyo Soon Wacan