Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Suuqa Kala iibsiga Xildhibaanada Dawlada Oo Meeshii Ugu Sareeysay Mareysa

Wednesday - September 15, 2010

Xigasho Dhacdo.com : Iyadoo khilaafaadka u dhaxeeya masuuliyiinta dowladda ay mareyso meeshii ugu dambeysay, ayaa waxay dhinacyada dowladda iska soo horjeeda ay wadaan loolan xoogan oo lagu kala gadanaayo xildhibaanada dowladda kmg ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda kmg ee Somaliya ayaa oodda ka qaaday keydka ay ugu jiraan lacagahiisa, isagoo ku iibsanaaya xildhibaanada dowladda, si uu meesha uga saaro Raa’isal Wasaaraha dalka Somaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharmarke.

Madaxweyne Shariif oo maanta khudbad dheer kahor jeediyay kal fadhi balaaran oo ay iskugu yimaadeyn mudanayaasha baarlamaanka, ayaa waxa laga dheehan karay sida ay go’an tahay sidii uu meesha uga saari lahaa Ina C/Rashiid.

Hoteelada ay ku sugan yihiin xildhibaanada dowladda iyo Aqalka Madaxtooyadda ee Villa Somalia, ayaa waxa laga dareymaayaa guuxa iyo dabeelaha u dhaxeeya kala iibsiga mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo xildhibaanada ay u muuqdaan kuwo u jan-jeera dhanka madaxweynaha, bacdamaa uu lacag fara-badan farqaha ugu daadiyay.

Sidoo kale Raa’isal Wasaaraha dowladda kmg Somaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharmarke, ayaa wuxuu isna dhankiisa ka wadaa loolan xoogan oo uu ugu jiro sidii uu ku ilaashan lahaa kursigiisa, wuxuuna dhankiisa ka fardhinaayaa lacag xoog leh, kaa oo xildhibaanada ka dalbanaaya inay taageeraan.

Dhanka kale Shabakadda Dhacdo.com oo si wanaagsan ula socoto dhaq dhaqaaqa iyo khilaafaadka xoogan ee u dhaxeeya masuuliyiinta dowladda, ayaa waxay ka wareysatay mid kamid ah saraakiisha ugu sareysa ilaalada aqalka madaxtooyada, waxaana wax ka weydiinay dhiilaha colaadeed ee u dhaxeeya masuuliyiinta dowladda, wuxuuna inoo sheegay in’ay ka daaleyn sidii ay ugu dhex jireyn, isla-markaana wuxuu sheegay in nin kasta ay meel u cadahay, taa oo keentay buu yiri in masuul kasta uu keydkiisa oodda ka qaado, si buu yiri uu midba midka kale uu u gaaro waxa kaliya ee u muuqda.

Masuulkaan ayaa wuxuu sheegay in’ay si’aad ah uga xun yihiin is-qab-qabsiga u dhaxeeya masuuliyiinta dowladda, hase yeeshee wuxuu rajo ka muujiyay in’ay dhamaan doonaan, haddii buu yiri uu Alle idmo.

Hardanka iyo loolanka culus ay wadaan masuuliyiinta dowladda ayaa waxaa isha la-raacaaya shacabka reer Muqdisho oo iyagu la-fajacsan hab-dhaqanka foosha xun ee dowladda, iyagoo shalay ku baaqay in dowladda ay iskaga tagto magaaladda Muqdisho, bacdamaa bay yiraahdeyn aysan rajo laheyn.