Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Qoobab ka Ciyaarka Siyaasada Socota Oo Faashil Shiikh Shariif Lagu Afgambinaayo

Sunday - September 12, 2010

Nairobo- Mogdisho- Warar aan ka xiganay dhawr Nin oo xushmad ku leh siyaasada caalamka kana agdhaw fadhiyada dipolmaasiyada magaalada Nairobi, ayaa hadal dibnahooda soo dhaafay ku sheegay in dipolomaasiyiinta reer galbeedka iyo xubnaha sare ee UN-ka ee iyaguna fadhigoodu yahay Nairobi ay qabaan aragtiyo mideysan oo laysku  tusaaleeyey in steerinka hogaanka ka jira Somaaliya maraqooda lagu luqluqdo kamal Camal Cabdulaahi Yuusuf loo afgambiyo, waxaana la sheegay in go'aankaas tixraaciisa inta badan loo tixgaliyey baaqa Madaxweynaha Musveni Ugaandha oo in badan kala hadlay masuullinta Mareykanka in ciidamadiisa aysan ku waari karin Somaaliya ma daama halkaas ay ka jirto dawlada dhago awdan, socod mushaaxeysa aan ka istaxyoonaayn iney tuugsi ku hodmaan oo aysan muuqan rajo ka soo socota, warka ayaa intaa ku daraya in wakiilka qaramada UN-ka ee Somaaliya Mr. Agustine Mahiga oo siyaasadiisu tahay nooca gaatin soco ayaa weli ku adkeysanaya in dawlada Sh.Shariif xiligooda illa u ka dhamaado aan la faragalin oo malaha ku eg agoostada 2011 lamase oga sida jar-dagidiisa u shaqeyndoonto.

Dipolomaasiyinta reer galbeedka oo caado u ah iney isugu yimaadaan xarig ayba qoloba gees ka gunteyso oo Maskii Somaalida dili-laha meel madow isugu dhiibeysa, rabtana iyagoo qoslaya iney xabaasha ku rido ayey iminka doonayaan in labadaas ardaal sinsaaro lagu xambaariyo waa Shiikh Shariif iyo Cumar-e oo halkoodi keenaan allaha naga duwe kuwa loogu magac daray "ka baqtiiste" doonaaya iney gob ku noqdaan gunimada Soomaali .. sidaan maqlay ma rabo inaan magacooda ka hor dhace, waxay soo wadaan kuwa rifayaal ah baab allaale baab ay garanayaan aanay jirin iyo wax ay micney-nayaan toona .. arintu waa naxdin joog iyo balaayo nagu soo hamaa-saneysa.  

Warka ayaa inta raaciyey in hindisihi laba kacleynta oo mar kale wax sii kharbudaya iyo farsamadi caga-jiidka taayarada looga badali lahaa baabuurka dhana u socon-waayey ay darawalka ka yihiin Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdi-Rashiid inta badan qorsha la isku afgartay .. sheekaduna waa iney labada dhuuni-doon wada baxaan. 

 Dhinac kale oo iyadana war la xaqiijinaayo ayaa tilmaamaya in Geel jirayaashi-siyaasiyiinta beelaha Hawiye oo cidiyaha ku dagaalamaya ay yooyotan culus ula yimaadeen Shariif Sakiin oo ay uga digayaan la safashada ra’iisul wasaaraha Somaali Cumar Cabdi-Rashiid, waxayna ka codsadeen inu farsameeyo kiiska mooshinka ina Cabdi-rashiid oo uu ku dhawaaqo in xilkii loo igmaday ka soo bixi-waayey barlamaankuna saluugo, haddi kale waa Shariif Sakiine uu aabihiis fuudka kula cabi-doono Tuulada Sarmaan-Baydhabo .. hasa ahaate sida la sheegay Shariif Sakiin oo u waramay Cade Muuse ayaa u sheegay in wiilka Cumar hoostiisa lagu cuni-doonin hawiyana warkiisa iyo is-xasaradeyntiisa aysan socon-doonin, laakiin warar isa soo taraya ayaa carabka ku dhufanaya in Shariifka baarlamaanka culeys xoog leh uga yimi dhinacyo badan oo uu ku jiro madaxweynaha lafahaantiisa iyo kuwa hoos yaac lagu tilmaamo oo ka tirsan golaha wasiirada .. been ma aha maahmaahda oraneysa dibi gees weyn geedka lagama harsankaro isna ma harsado .. waxaase weli aan la xaqiijin warka sheegaya in Xubno ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan dhinaca horumarinta mashaariicda ee UNDP, ay ra’iiusul wasaaraha u ballan qaadeen lacag kasta oo uu doonayo, si ay dar dar u gasho khilaafka isaga iyo madaxweynaha, waxaana la filaya in warkaas lagu saleeynaayo diidmada Shiikh Shariif dastuurka cusub iyo dhaq-dhaqaaqa fedaraal-doonka, oo madaxda UNDP ka careysiisay oo lacag badan iyo dadaal ku bixisay hirgalinta dastuurkaas sameyntiisa.