Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Beled Xaawo: Ciidamada oo xiray nin dil ka geystay halkaasi.

Thursday - Feb 28, 2008

Ciidamada ammaanka degmada Beled Xaawo ee gobalka Gedo oo shalay galinkii dambe howl-gal halkaasi ka sameeyay ayaa u suurta gashay inay gacanta kusoo dhigaan nin dhaawac iyo dil ka geystay degmadaasi. Ninkaan lasoo qabtay ayaa shalay galab gudaha Beled Xaawo ku dilay haweeneey uur laheyd isagoo dhaawac halis ah u geystay nin oday ahaa oo wadada socday marka uu haweeneyda dilayay.