Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Safiirkii Hore Ee Mareykanka U Fadiyey Itoobiya Oo Cambaareeyey Faragalinta Ciidan Ee Ay Ku Hayso So

Wednesday - March 17, 2010

Safiirkii  hore Dowladda Maraykanka u qaabilsanaa dalka Itoobiya ayaa waxaa uu ka hadlay fara gelinti Milateri ay Dowladda Itoobiya ku samaysay dalka Soomaaliya sanadi 2006-di xilligaasi dalka uu Madaxweyne ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed.

Donald Yamamoto oo iminka ah Xogheyaha waaxda Dowladda Maraykanka u qaabilsan amuuraha Qaaradda Afrika ayaa khalad ku tilmaamay fara gelintaas,isla markaana dhaliil usoo jeediyey Dowladda Itoobiya.

“Gelitaanka Ciidanka Itoobiya dalka Soomaaliya 2006-di waxaa ay ahayd fikir khaldan,waana talaabo lagu khaldamay”,ayuu yiri xilli uu khudbad ujeedinaayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesotta ka dib marki ay wada kulmeen Wasiirka Warfaafinta Dowladda Fedraalka Daahir Geele oo Socdaal todobaadki lasoo dhaafay ku gaaray dalka Maraykanka.

Masuulkaan ayaa noqonaaya ki ugu horeeyey oo ka tirsan Dowladda Maraykanka oo Cambaareya isla markaana kasoo horjeesta howlgalka ay Ciidanka Itoobiya ka fuliyeen dalka Soomaaliya sanadi 2006-di ayna xilligaas taageero siinayeen Dowladdi Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo dagaalo la gashay Ururka Maxkamadaha Islaamka ee kasoo horjeeday.

Dhanka Kale Yamamoto ayaa sidoo kale xusay in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan si ay uga baxaan dhibaatada ay hada ku jiraan ayna ka baxaan dagaaladda sokeeye ee bilaabmay sanadi 1991-di.

Wuxuuna ugu baaqay in dadka Soomaaliyeed in ay iyaga xal ka gaaran dhibaatada ka jirta dalka ayna xal kama dambeys wada gaaran.