Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wiil Ku Ibteleysnaa Cudurka Qalalka Oo Shabaab U Gawracday Sabab Basaasnimo

Tuesday - March 16, 2010

Source Xusuus .com : Wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo caafimaadkiisu dhiman yahay, waxaan ula jeedaa maskax ahaan aan deganeyn haddana bukaan socod ah oo xanuunsan, wuxuuna qabay cudurka qalalka oo u diiday inuu awood ahaan iyo shaqsi ahaanba kaamil noqdo.
Wuxuu noloshiisa ku dabari jiray adeegyo yaryar oo uu dadka degaanka C/casiis iyo Kaaraan u sameeyo isagoo nadiifin jiray xafiisyo iyo goobo kale wuxuuna ku noolaa wixii dadkaas ay u soo tuuraan oo marna shaxaad marna shaqo u siin jireen.

Mararka qaarkood wuxuu gaari-gacan yar dhigan jiray agagaarka Isgoyska Mariinada ee degmada C/casiis isagoo iibin jiray alaabaha yaryar ee sigaarka iyo nacnaca ka mid yihiin, xaaladiisuna waxay ahayd cidla ciirsi la’ iyo qof tabardarran haddana ku nool xaalada adag ee Muqdisho oo xitaa dadkii caafimaadka qabay iyo kuwii dhaqaale ahaan fiicnaa ka wada sheeganayaan.
Waxaa la oran jiray magaciisa Xasan Macalin C/llaahi laakiin dadka degaanka waxay u yaqaaneen RRA oo wuxuu ahaa wiil aad u jecel magacaasi in loogu yeero, qofkii uu soo muto waxay ku qasbaneyd inay wax uun u tuurto maxaa yeelay wuxuu ahaa wiil kuray ah oo laakiin duruuftu heysato.

Markii dagaaladu ka dhaceen degaanada W/Muqdisho wuxuu Xasan ka mid ahaa dad yar oo degaankaasi isaga haray taasina waxay daliil u tahay inuusan ahayn qof caadi ah maxaa yeelay degaankaasi waxaa ka wada qaxay dhammaan dadkii deganaa, laakiin Xasan RRA waxaad moodaa inuu halkaasi iska door biday, laga yaabee inuu ka samri waayay dadkii degaanka Mariinada deganaa ee taageerada siin jiray, kuna dhici waayay inuu isaga tago meel uu la qabsaday oo noloshiisa qabatintay.
Mar kaliyay ayay waalidkii oo ka war heyn jiray waayeen, mana jirin qof indho ka qaaday muddo laba bilood ah, waxaase la yaab iyo naxdin noqotay markii idaacadaha Muqdisho magaciisa laga maqlay!! 

Xasan RRA cidina kuma fekerin inuu gaari doono heer warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah ay ka faaloodaan ama wax ka sheegeen laakiin nasiib darro wixii laga sheegay ma ahayn farxad ee waxaa la baahiyay in la dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii Maxkamadda Alshabaab ku heshay inuu ahaa nin madaafiic hoggaaminayay una shaqeeya CIA-da Mareykanka.! “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun,…….., sidee wax u jiraan ma Xasan RRA ayaa basaas ah? waxaa isweydiiyay dad fara badan Xasan ku yaqaanay magaca RRA balse markii ay maqleen XASAN JAREER fahmi waayay kadibse aqoonsaday dhibanaha bukaan socodka ah ee BASAASKA laga dhigay!!.

Aabaha dhalay RRA wuxuu xusuus.com u sheegay inuusan muddo dheer arkin meel kastana ay ka baadi goobeen laakiin ay waayeen una qaateen inuu iska raacay dhalinyarada tahriibta aada, laakiin ay maqleen magaca Idaacadda laga sheegay, wuxuu intaas ku daray inaysan jirin cid la soo xiriirtay oo xaalada wiilkiisa u sheegtay kana tirsan kooxda dilka ku fulisay.

Mid ka mid ahaa dadkii taakuleyn jiray RRA ayaan si naxdin ku jirto markii loo sheegay in la toogtay Xasan RRA wuxuu xusuus.com ku yiri: Wallaahi waa yaab….. meesha aan u socono ma fahmin,  waxayba ila tahay in waxa dhacaya oo dhami khiyaali yihiin ... Laakiin KOOXDA BUKAAN SOCODKII XASAN RRA BASAASNIMO U DISHAY TALOW YAA U DHIMAN OO AY DHAAFAYAAN?.