Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Doolarkii Uu Ku Hodmilahaa Afawarqe Oo Xadkiisa Lagu Qabtay Iyo Asmara Iska Fogeysay Taageerida....

Monday - March 15, 2010

Masuul Sare oo ka tirsan Dowladda wadanka Eritrea ayaa markale beeniyey warbixin shalay ay soo saartay Qaramada Midoobay kaas oo ku aadan in ay Xukuumadda Asmara si wado taageerada ay siinayso Xoogaga Mucaaradka ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Safiirka Eritrea u jooga dalka Belgium Girma Asmerom ayaa warkaa ka daba qaatay oo sheegay in warbxinadaas ay yihin kuwa laga been abuurtay dalka Eritrea gaar ahaan Madaxweyne Isaias Afewerki isla markaana lagu doonaayo in sumcadiisa sharafeed hoos loo dhigo.

Waxaana u sheegay in aysan weligood wax taageero ay siiyeen Xoogaga Mucaaradka xilli la sheegay in Xoogaga Mucaaradka gaar ahaan Xarakadda Al-Shabaab ay gaarsiiso taageero isugu jira dhaqaale,hub iyo tababaro Milateri.

Isagoo qaar ka mid ah warbaahinadda ku yaala Caalamka ayuu sheegay in Guddiga Qaramada Midoobay ee soo saaray warbixintaasi aysan muujinin cadeymo rasmi ah oo la xirrira taageerada Mucaaradka Soomaaliya,isagoo ka codsaday in ay ka fiirsadaan oo ay raali gelin ka bixiyaan.

Warbixinti Shalay ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay ee la socda Cunoqabataynta hubka saaran dalka Soomaaliya ayay ku sheegen in Dowladda Eritrea ay diiday baaqyada loo jeediyey in ay joojiso taageerada ay siiso Xoogaga Islaamiyinta ee ka dagaalama dalka 

Waxaase wararka Dawlada Eretereeya si cakiriyey Iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay la hadal hayay baxsashada Xoghayihii Difaaca Ururka Xisbul Islaam Muuse Caraale oo uu socday inu galo dalka Eretereya isagoo lagu soo qabtay xadka Eretereya ay la leedahay suudaan.

Wargeyska afka dheer ee Sudan Tribune ayaa maanta ku daabacay mid ka mid ah cadadkiisa in Muuse Cabdi Caraale lagu qabtay dhinaca waqooyi ee dalka Sudan, xilli uu doonayay inuu si dhuumaaleysi uga tallaabo xuduuda Sudan iyo Eritrea u dhaxeysa.

Muuse Caraale ayaa wararku sheegayaan in lagu qabtay lacag aad u fara badan oo horay ugala soo baxsaday Ururka Xisbul Islaam taaso la sheegay in lacagtaas markeedi hore laga helay madax furashadi faransiiski lagu afduubay mogdisho sano ka hor, waxaana taasi ay keentay in ay shaki ka qaadaan Ciidamada Ammaanka Sudan oo durba xabsiga u dhaadhiciyay, lana filayo in mukhaabaraadka reer galbeedka ay soo faragalin-doonaan

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Sarkaal kale oo ka tirsan Xisbul Islaam oo la yiraahdo Xasan Mahdi uu u xaqiijiyay xariga Muuse Caraale, waxaana Xasan Mahdi uu qudhiisa yahay mid ku dhuumaaleysanaya deegaanada Waqooyi Bari Kenya kadib markii uu sheegtay inuu ka soo cararay Shabaab.

Muuse Caraale ayaa safar dhulka ah ku galay dalka Kenya, isagoo sii maray Gobolka Jubba ee dalka Sudan, waxaana uu ugu dambeyn uu tiigsaday magaalada Khartoum, ha yeeshee cadaadisyo heystay ayuu ugu negaan waayay magaaladaas maa daama la gartay.

Hogaamiyahan ayaa ahaa dagaal ooge weyn oo inta badan qeyb ka ahaa dagaaladii Xisbul Islaam ay ku qaaday Dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn halka ay sii geyn doonaan Ciidamada Ammaanka Sudan oo haatan u xiran.