Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawlada Ingiriiska Oo Ka Ogolaatay Madaxweyne Shariif In Xaaskiisu Ingiriiska Degto

Monday - March 15, 2010

(Puntlandi.com)Marwada Madaxweyne Shariif ayaa si rasmi ah loo dajiyey wadanka Ingiriiska ka dib markii uu Madaxweyne Shariif ka dalbadey dowlada Ingiriiska in xaaskiisa loo siiyo deganaansho kumeelgaar amaankeeda awgiis,taasi oo markiiba Dowlada Ingiriisku aqbashey.lama oga in caruur weheliso marwada iyo inkale iyo waliba meesha la dajiyey. Madaxweyne Shariif oo ah nin aad mashquul u ah una safar badan ayaa go´aankaan gaarey markuu lakulmey arkeyna Soomaalida Ingiriiska degen oo uu dareemey in Wadanka UK uu yahey mid lamida wadamada Islaamka habka loogu nool yahey iyo sida dadku diinta ku yihiin. Waxaa kaloo ku kaliftey in madaxweyne Shariif uu Reerkiisa dejiyo Ingiriiska iyadoo madaxda Dowlada hada iyo kuwii horeba badankooda ay qoysaskoodu ku noolyihiin Wadanka Ingiriiska. Waxaase isweydiin leh,qoysaska ku harey Muqdisha oo madaafiicda lagu garaacayo cida u maqan