Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Hogaamiyaha Shabaab Abu- Zubayr Oo Jiida Hore Dagaalka Kormeer Ku Maray

Sunday - March 14, 2010

Hogaamiyaha Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horaysay bilaabya in uu booqdo Xeryaha Ciidamada Dhaq dhaqaaq Al Shabaab xilli in badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab aysan weligood arkin Wejiga Abuu Zubeyr marka laga reebo Fariimo maqal ah oo ay ka maqlaan Memory-yada Mobile-da mooye.

Khudbad dheer oo uu Abuu Zubeyr Hogaamiyaha Al Shabaab ka jeediyay xeryaha maleeshiyaadka Al Shabaab ee Koonfurta Somalia ayaa Caawa laga sii daayay Idaacadaha magaalada Muqdisho .

Hogaamiyaha Shabaab ugu horayn wuxuu Khodbadiisa uga sheekeeyay Taariikhdii Asaxaabta nabiga isagoo dagaalyahanadiisa ku boorinayay in ay dhabar adaygaan islamarkaana ay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM.

Waxaa la maqlayay Codad ku baxayay Af-carabi kuwaasi oo ay ku dhawaaqayeen dagaalyahanada Kooxda Shabaab waxaana kamid ahaa Eryadaasi "Abuu Zubeyr waan ku ajiibnay, ilaah dartiis ayaan kuu Jecelnahay ... Abuu Zubeyr Jihaadka aad nagu hogaaminaysid ha ka daalin, Abuu Zubeyr nafteena ayaan kuugu huranay " iyo Eryo kale ayay ku dhawaaqayeen maleeshiyaadka Al Shabaab.

Khodbadan uu Caawa jeedinayo Hogaamiyaha kooxda Al Shabaab ayaa taabanaysa hal dhinac oo qura waxaana maleshiyaadka kooxdan ay ka wada sugayeen in hadladiisa uu qaybo ka mid ah uu uga hadli doono arrimaha Siyaasadda, hasa ahaate ma suurtoobin waxa uu ku koobayey khudbdiisa guubaabo iyo iska dhiciya dawlada Soomaaliya ,waxaase jira war sheegaya in dhallinyaro ka tirsan al-shabaab ay shalay kasoo goosteen maleeshiyadkii ay ka tirsanaayeen una soo galeen ciidamada dawlada ee aagooda hor fadhiyey,waxaa kalo warku intaa ku daraya in iyagana ciidama shabaab oo saldhig ku lahaa degmada Ceel-buur ay badankooda u yaaceen miyiga hawdka.

Warar ayaa sheegaya in Abuu- Zubeyr uu dhawaan booqday degmooyinka Kaaraan, Huriwaa,  Yaaqshiid, Dayniile, Ceelbuur, dhoobleey oo uu hadallo usoo jeediyay maleeshiyaadka Shabaab ee deegaandaas aagagooda ka dagaalamaya.