Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wax Tacab Khasaare Nagu Dhacay Oo Weli Soo Taagan .. Heshiis Maanta Lagu Kala Saxiixday Adis Ababa

Friday - March 12, 2010

Adis-Ababa: Waxaa maanta illa beri lagu wada in heshiis kama dambeys ah dhex maro dawlada madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Iyo kooxda loogu magac daray Ahlu Suna Wal Jamaaca oo sida la sheegay gobolada dhexe ka abaabulan laguna xanto iney gidaarada qaadka ku ruugaan. waxaana la sheegaya in labada dhinac ergada ka socota ay hadda ku suganyihiin magalada Adis Ababa iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay halkaas heshiis daala-dhac iyo duu-duub ku liqid lagu soo af jaray qalinka ku duugaan, heshiis-kaaso la sheegay in awooda xukunka dawlada lagu qaybsanayo  ... waxaana dhinaca dawlada u saxiixaya Cumar Cabdi-Rashiid oo ah Raiisal Wasaaraha Somaaliya iyo dhinaca Ahlu Sunaha oo uu saxiixidoona Shiikh Maxamuud Macallin Xassan Oo maanta dayaarad khaas ah looga soo qaaday magaalada Dhusamareeb

Sida la sheegay heshiiska waxuu qodobadiisa qeexaya in 5 Wasiir loogu faataxeyo kooxda Ahlu Sun-da ka socota oo wasiiradaas midkood yahay kuwa saadada loo yaqaano sida kan Gudaha , Dibada amase Maaliyada iyo Difaaca, sido kale waxaa ku qeexan heshiiska in taliyaasha ciidamada ku-xigeenadooda ay iyagu qaataan ( waa poliska, milatariga. nabadsugida) iyo sido kale ay la boodaan illa 5 Safiir iyo dhawr qunsulo safaaradeed iyo weliba tiro aan yareyn oo agaasimayaal guud ah, waxaa kalo la tilmaamaya in kooxaha suna-da qaybta Gedo ay heshiiskaas ka boodsanyihiin walow la leeyahay taladu iyagu ma joogto.

Waxaa warku intaa ku daraya in heshiiskaas lays la meel dhigay kadib markii dhinaca Ahlu Sunaha ay ka tanaasuleen qodobkii ay ku dhaganaayeen oo ahaa in la siiyo Madaxweynaha ama Raisal wasaaraha.