Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Naagtii Ugu Guursi Badneyd Aduunka Oo Iminka Dooneysa Guurkii 24-aad

Friday - March 12, 2010

Linda Lou Taylor waa haweyney 68 sano jir ah, una dhalatay dalka Maraykanka sidoo kale-na waxa loo-yaqaanaa Linda Wolf ayaa dooneysa guurkii 24-aad, iyadoo horey u soo guursatay 23 nin oo kala duwan.

Mrs Linda raggii ay horey u soo guursatay ayaa waxaa kamid ahaa sida Dambiile, Taajir, Faqiir, Khaniis, Baadari, Kabal-yeeri iyo kuwo kaloo badan.

Hadaba haweyneydaan ayaa waxay dooneysaa nin ay guursatay, iyadoo shaaca ka qaaday in’ay dareemeyso cidlo, bacdamaa ay tahay Garoob.

Dhanka kale guurkii ugu dheeraa ee soo mara Linda ayaa wuxuu qaatay 7 sano, halka kii ugu yaraana uu qaatay 38 saacadood.

Guurkii ugu danbeeyay ee soo mara Linda ayaa waxay guursatay ninkii adduunka ugu guurka badnaa ee “GLYNN SCOTTY, kaasoo horey u soo guursaday 29 xaasas, halka ay Linda ka noqotay xaaskii 30-aad ee soo mara Mr Glynn.

Linda iyo Glynn oo nolol macaan ku nool ayuu geeriyooday Mr Glynn, taasoo ka dhigtay Linda mid ilaa iyo hada cidla dareymeysa.