Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - March 11, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Mua'dinka Xaqa Sheega Ka Daalin Al- Digtoor Sh. Shuceyb

Ujeeddo Casharka Maanta: Dhibka Ku Yimaada Cagaha haddi Qofku Qaado Cudurka Sokorowga  "Diabetic foot Ulcer"

                                ----------------------------------------------------------------------

Waxaan ku Bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha Maxamed NNK ha ahaato, Caafimaadka waa nimco aad u balaaran ee Allah markuu ku maneysto adoonkiisa waajib ay ku tahay inuu wax badan ugu mahadsho, waxey ka mid tahay labo nimco oo aan waarin, horay noogu sheegay suubana NNK ha ahaato, qofku ma dareemo qiimaha weyn ee ay leedahay hadii uusan dhedhemin xanuun iyo cudur lasoo dersa. Cudurada Allah ku imtixaano adoonkiisa aad iyo aad bay u fara badan yihiin una kala duwan yihiin, horay waxaan wax uga sheegay cudurka Sokorowga soomaalidu u taqaan oo ah cudurada ugu waxyeelada badan ee qofka ku dhaca, maxaa yeelay waxa kusoo hoos dhuunta waxyeelo fara badan oo dadban haba ugu darnaato mida gaarta 1. Aragtida, 2. Xididada dhiiga, 3. Xididada dareenka iyo 4. Kelyaha.
Maqaalka Jimcahan waxaan kaga hadli dhib ku yimaada cagaha qofka qaba cudurka Sokorowga (Diabetic Foot Ulcer), oo ah Boog ku sameysanta calaacasha Cagta, hadaan la daweyn oo la iska indha tiro waxa ka dhasha hurgun ku dhamaan kara in loo baahdo in lugta la gooyo si loo badbaadsho nolosha qofka; had iyo goor waxa loo baahan yahay in maanka lagu hayo ka'hortaga inuu ka khayr badan yahay daweynta.
Sababta keenta waxa ugu weyn marka sokorta dhiiga oo aad u kacsan mudo dheer, markaana waxyeelo gaarsiisa Xididada dareenka lugaha iyo isbedel ku yimaada lugta qaabkii ay aheyd, waxa baaba' dareenkii lugaha midaa oo sabab u noqota in qofku uusan dareemin xanuun ama wixii kaloo la mid ah sida kuleyl iyo qabow, marka uu ku istaago wax dhib u keeni kara lugta, Afka Cilmiga Dawada loo yaqaan (Peripheral Neuropathy). 
Sidoo kale dhibaato kale oo cagaha haleela ayaa sahli kara in boogta ku sameysanto cagta sida 1. Callusis oo ah Fiix ka beeranta calaacasha cagta, 2. Hammertoes oo ah qalooc iyo dadbanan ku timaada faraha cagta, labadan oo kordhiya cadaadinta ku timaada qaab wanaaga cagta ee horay u jiray. Waxa kaloo dhaawac gaari karaa cagta marka la jarayo Cidiyaha, ama dhaawac yar oo joogta ah oo ku yimaada cagta (Repetitive minor trauma) sida marka la gashto kobo ciriiri ah, ama socod dheer la galo, sidoo kale marka biyo kulul lugta la dhex dhigo si loo diirsho, kuwaa oo dhan hadii dareenka lugta ay gabto waxyeelo gaartay qofku ma garto isbedelka ilaa marka boog abuuranto.
Sidaan kor ku tilmaamay socodka dhiiga ee lugta oo yaraada waxa iyana ay keeni kartaa in bogsashada boogta ay dib u dhacdo markaana waxa kordha khatarta in hurgun galo (Infection), kadibna loo baahdo in lugta la gooyo.
Sida ugu haboon oo looga hortegi karo dhibkan waxa weeye:
1. In lagu dadaalo sidii loogu soo celin lahaa sokorta dhiiga qiyaas la mid ah mida caadiga ah oo aysan ka kormarin 110 mg marka qofku sooman yahay, 140 mg marka qofku wax cuno 2 saac kadib.
2. In lagu dadaalo daryeelka lugaha, waa in la baaro maalin walba cagaha si looga hortago isbel markuu ku yimaado, si gaar ah waa in loo daryeelo nadaafada cagaha qofka qaba cudurka Sokorowga, waa in la baaro faraha dhexdooda si wanaagsan loo qalajiyo marka la meyro, waa in laga fogaado in la adeegsado kobo cagta ciriiri ku ah, ugu dambeynta marka isbedel cagaha ku dhoco waaxa loo baahan yahay in si deg deg ah takhtar loola xiriiro si looga hortago waxyeelo daran oo markaa ku yimaada cagta.
Hadii dhibku dhoco oo lugta qofka qaba Sokorow gaar ahaan, ama cuduro kaloo fara badan sida kuwa xididada dhiiga iyo dareenka ama dhaawacyada ka yimaada shilalka kala duwan, waxa loo baahan yahay in lala kaashado takhtar aqoon iyo khibrad u leh sida loo daweeyo boogta cagta, waa in la raaco talada takhtarka sida ugu haboon, waa in laga dhowro boogta in hurgun galo (Infection), markaa keeni kara in la gooyo lugta bukaanka.
Waxaa xusuus mudan akhristaha qiimaha leh ee boga galdogobtimes, Allah ma simin qofka wax garadka ah ee aqoonta leh iyo midka camiga ah ee aan wax kala ogeyn, sidaa darteed inta qofku nool yahay waxa waajib ku ah inuu ku dadaalo siduu kor ugu qaadi lahaa aqoontiisa cilmiga ee dhanka diinta ee waxtar u leh laba Daar marka hore iyo mida anfaca dunida lagu noolyahay, Aqoontu waa NUUR, Jahliguna waa Mugdi iyo HALAAG.
Allow waxaan kaa barinay aqoon anfac noo leh oo noo barakee wixii aad na barto, Allow naga yeel kuwii ku dadaala iney korodsadaan aqoon waxtar u leh adoomadaada, naftooda gaar ahaan, ehelkood iyo umadooda guud ahaan.