Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ismaaciil Buubaa Oo Somaliland Ugu Baaqay Iney Isha Ku Hayso Socdaalka U Shariif Ku Joogo Ingiriiska

Wednesday - March 10, 2010

Source- Geeska Net: Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo ah siyaasi u dhashay Somaliland, balse aaminsan mabda’a federaalka, dawladii Cabdillaahi yuusufna ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda, ayaa dawladda Somaliland ugu baaqay inay isha ku hayso farriinta diblomaasiyadeed ee uu xambaarsanyahay socdaalka uu Shariif Sheekh Axmed, ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Mr. Buubaa, oo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxa uu xalay Wargeyska Geeska Afrika, u sheegay in socdaalkaas Shariif iyo kulankii uu Raysalwasaaraha Ingiriiska la yeeshay uu Somaliland u xambaarsanyahay farriin diblomaasiyadeed oo uu ku tilmaamay mid macne weyn xambaarsan “Anigu waxaan odhan lahaa socdaalkaasi macno weyn ayuu ku fadhiyaa, dawladda u yeedhay ee martiqaadayna waa dawladii Somaliland xorriyadda siisay lixdankii,.” ayuu yidhi Mr. Buubaa.

Mar la weydiiyay farriinta diblomaasiyadeed ee uu aaminsanyahay in socdaalkaasi uu Somaliland u xambaarsanyahay, waxa uu yidhi, “Waa  farriin diblomaasiyadeed oo miisaan leh oo Somaliland ku socota. Waayo waxa jirta hadal hayn tidhaahda Ingiriisku wuxuu taageersanyahay madaxbanaanida Somaliland, markaas waa farriin culus, waana in isha lagu hayaa oo si gaar ah loola socdaa. Halkay Somaliland ka taagantahay siyaasadaha dawliga ahna waa in la ogaadaa.”

Ismaaciil Buubaa, waxa uu sheegay inuu aaminsanyahay in dhibaatada Somaliya ka jirta ay xallin karto Somaliland oo keliyi, “Maanta Xamar waxa ka taagan lama damin karo ilaa ay Hargeysi soo dhex gasho. Dadkaasi isma xaasidayaan, laakiin tamartii ayaa intaas ah, markaas Somaliland waxa looga baahanyahay inay door muhiim ah qaadato oo ay dabkaas Somaliya bakhtiiyaan. Somaliland xaq ayay u leedahay inay waxeeda hagaajisato waanan aaminsanahay taas, laakiin xaq ayaa loogu leeyahay inay koonfurta colaadeeda damiso, taas ayaanan soo jeedin lahaa.”

Mar uu ka hadlayay doorashada Somaliland, waxa uu tilmaamay inay fure u noqon karto waxyaabo badan oo hadda caqabado ku ah Somaliland, waxaanu ku taliyay inay ku dhacdo nidaam cadaalad ah, “Doorashadaasi waa muhiim.” ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa.

Ismaaciil Buubaa, waxa uu sheegay inuu Hargeysa iman doono, laakiin ma sheegin wakhti cayiman, “Haa, Hargeysa waa magaaladaydii waanan imanayaa haddii uu rabi xukumo.”

Shariif, oo hadda socdaal ku jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu la kulmay Raysalwasaaraha Ingiriiska Mr. Gordon Brown iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadiisa, waxaanu kulankaasi noqoday kii u horeeyay ee muddo ku siman labaatan sannadood dhex mara wadamada Ingiriiska iyo Somaliya. Inkastoo uu Ismaaciil Buubaa fikirkaas aaminsanyahay, haddana dad badan ayaa aaminsan inay socdaalka Shariif ee Ingiriiska soo dedejisay lamaanaha reer Ingiriis ee ku afduuban xeebaha Somaliya, kuwaas oo caqabad ku noqon kara doorashada uu galayo xisbiga Raysalwasaare Gordon Brown, waxaanu Shariif balan qaaday in dadkaas sida ugu dhaqsaha badan loo soo dayn doono, inkastoo aan la ogayn awooda ka dambaysa balan qaadkiisa.