Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dalka Sweden Oo Khaati Ka Joogta Qaadka Soomaalidu Cunto

Tuesday - March 9, 2010

Dowladda Wadanka Sweden ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in go’aan adag ka qaadi doonto isticmaalka maandooriyaha Qaadka ee la keenaayo dalkeeda.

Wasiirka Isku Xirka iyo degaanka Nyamko Sabuni oo Wariyeyaasha kula hadlaysay Magaaladda Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa sheegtay in dhowaan bilaabi doonaan in ay la dagaalamaan Qaadka la keenaayo halkaasi oo laga soo dhoofinaayo wadamada kale.

Waxaana ay sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas ay yihin dadka ugu isticmaalka badan maandooriyahaas isla markaana ay jiraan dad ka ganacsada oo keena halkaasi.

" Qaadka waxaa uu yahay maandooriye aad u halis badan waxaa ay sababtaa shaqo la’an,waxaana ay saamaysa xaaladda Caafimaad ee qofka Bin’aadamka waxaana isticmaalkiisa aad u badan dadka Soomaalida ee ku sugan halkan",ayay tiri Haweenayda lagu magacaabo Nyamko Sabuni oo asal ahaan kasoo jeeda Qaaradda Afrika.

Waxaana ay hadalkeeda ku dartay in talaabadan aysan ahayn mid weerar ku ah Dadka Soomaaliyeed balse ay tahay talaabo wada taabanaysa dhamaan dadka isticmaala kana ganacsada Maandooriyaha Qaadka ee ku sugan dalka Sweden, iyadoo ay sidoo kale beenisay in ay tahay midabtakoor.

Isticmaalka Qaadka ayaa horey mamnuuc uga ahaa dalka Sweden laakiin waxaa lagu soo gelin jirey si qarsoodi ah dawladduna ka warhaysey imaanshihiisa, waxaanse hadda dawladda Sweden ay dooneysaa in ay adkeyso soo gelida Qaadka.