Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Adis Ababa Oo Laga Furay Xarun Lagu Soo Bandhigo Taariikhdi Xumeyd Ee Mangiste

Monday - March 8, 2010

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa magaallada Addis Ababa ka furtay xarun lagu soo bandhigayo taariikhdii xumeyd iyo xasuuqii loogu magac-daray "Red Terror," ee kaligii taliyihii rogmaday, Mengistu Haile Mariam.

Xukumaddii kaligii taliye Mengistu ayaa muddadii ay dalka xoogga ku heysatay laysay kumaanaan shacab ah, kuwaasoo ka soo kala jeeday guud ahaan qowmiyadaha iyo shucuubta dalka Itoobiya.

Xafladda furitaanka xaruntan, oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin sarsare oo ka socday dowladda dhexe, ayaa waxaa isugu yimid ehelada kumanaan qof oo lagu laayey xasuuqii "Red Terror." Ol-olaha xasuuqaas ayaa dhacay intii u dhaxeysay 1977 - 78.

Xaruntaas ayaa la dhigay sawirada dadkii la laayey iyo waliba lafo laga soo guray xabaal-wadareedyo dadkaas lagu aasay.

" Ujeedadeenu waa inaynu sare u qaadno midnimada iyo dulqaadka. Itoobiya waxey soo martay waqti qarriban, dooni-meyno in xanuun-kaas markale ina soo maro," sidaas waxaa yiri gudoomiyaha gudiga qaban-qaabada, Ayne Tsige.

Kaligii taliye Mengistu ayaa hadda kolba meel kaga dhuumanaya dalka Zimbabwe, waxeyna labo sano ka hor maxkamadda sare ee dowladda dhexe ku xukun tahay dil.

Kaligii taliye Mengistu, oo markii uu dalka af-gambis ku qabsaday darajadiisu aheyd lieutenant colonel ( gaashaanle dhexe) ayaa qori afkii Itoobiya ku heystay muddo 17 sano ah, ka hor intii EPRDF oo ay hogaamineysay TPLF afka ciidda u darin.

Ururka TPLF, oo saldhig u ah isbaheysiga EPRDF, ayaa lagu amaanaa sidii uu u badbaadiyey qowmiyadaha kala gadisan ee dalka Itoobiya. EPRDF-TPLF ayaa qowmiyadaha Itoobiya u soo celisay xoriyadoodii sanadkii 1991, iyadoo qowmiyad kasta ay maanta ku faaneyso luuqadeeda, diinteeda, dhaqankeeda iyo waliba deegaankeeda.