Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sharif O Intaan La Isugu imaan Dagaal Faan Carada Ku Rogay Isu Diyaariyey Xoreynta Dhulki Galbaday

Sunday - March 7, 2010

Saraakiil iyagu Sheegtay iney ka tirsanyihiin Taliska ciidanka dowlada KMG Somalia qaybta gobalada Jubbooyinka ay maalmahaan ku hanjabayeen in ay weeraro ku qaadi-doonaan magaalooyinka waaweyn ee gobalada Jubbooyinka oo ay maamulaan dhaq-dhaqaaqa hubaysan ee Al Shabaab.

Guddi iyana la carbaabay iney dhawaan dowlada Federaalka KMG Somalia u xil saartay Xoraynta gobalka Jubbooyinka ayaa iyana sheegay in la soo dhamaystiray diyaarawgii Ciidan oo ay ka wadeen gudaha Kenya iyo Gedo islamarkaana dhawaan la xorayn-doono Kismaayo ilaa iyo Dhoobleey sida hadalka loo dhigay.

Afhayeenka Guddiga Abaabulka iyo Xoraynta Jubbooyinka Kabtan Xirsi Xaaji Cabdi oo la hadlay rebrtar ka tirsan Galdogob Times oo ku sugan mogdisho ayaa sheegay in Ciidankoodu diyaar u yihiin dagaal ay Shabaab kula galaan.

“Ciidanka Xoraynta Dowlada KMG ee Jubbooyinka diyaar ayay u yihiin in ay qabsadaan magaalooyinka Jubbada Hoose gaar ahaan kisimayo, kooxaha shabaabka jooga Jubbooyinka way ka niyad jabsanyihiin abaabulka xoogan ee dowladu ka samaysay gudaha Kenya iyo Itoobiya, hadii ilaahey idmo shacabka Jubbooyinka Argagaxisada way ka xoroobi doonaan” ayuu yiri Kabtan Xirsi.

Mas’uulkan ayaa intaasi raaciyay in meel wanaagsan marayaan dhaqaale siinta Kumanaan Askari oo dhawaan Tababaro kusoo qaatay gobalka Waqooyi Bari Kenya oo ah gobalka Somalidu degto.

Isku soo-wada duuboo dowladda Kmg ee Soomaaliya ee Shariif hogaaminayo ayaa u muuqata mid aad isku diyaarisay ooba dooneyso iney gantaalo ku ololiso mulacyada dab isku tuurka ee loo yaqaan Al-shabaab arladana galiyey hawlweyn , waxaase wal-wal ka jira xiligaan ciidamada   dowladda kmg lagu yaqaano guryo laaluushka iyo meel marka ay qabsadaan in’ay raadkoodi roor dib uga laabtaan sida ay xaaladu isu badaleyso.